4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2020
Qatar oo waxbarasho siinaysa 57,600 oo carruur Soomaaliyeed ah
 

Arbaco, December, 02, 2020 (HOL) - In ka badan 57,000 oo carruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa heli doona waxbarashada aasaasiga ah, Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday, ka dib markii ay heshiis wada gaareen Sanduuqa hormarinta Horumarinta Qatar iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Heshiiska waxaa wada saxiixay Khalifa bin Jassim Al-Kuwari, agaasimaha guud ee QFFD, iyo Abdullahi Abuukar Haji, wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qeybka ka qaadanaysa inay kumanaan carruur Soomaaliyeed ah helaan waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh.

“Dowladda Qatar waa mid ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee Soomaaliya dhinacyada kala duwan, waxbarashada iyo awood siinta dadka Soomaaliyeed si ay gacan uga geystaan dhismaha iyo horumarinta dalkooda waa mid aad muhiim noogu ah”, ayuu yiri Al-Kuwari.

"Waan ku faraxsanahay taageerada Dowladda Qatar ay siisay dalkeyga sannadihii la soo dhaafay," ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Xaaji.

Mashruucan ayaa waxaa ka faa'iideysan doona  carruurta dhigata waxbarashada aas aasiga ee gobollada Puntland, Galmudug, Hirshabeele, Jubaland iyo koonfur-galbeed Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]