4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2020
Wajigii labaad shir magaalada Muqdisho uga furmay midowga musharixiinta

 

Talaado,December, 01, 2020 (HOL) -  Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka furmay Wajiggii labaad shir ay yeelanayaan midowgga musharixiinta doorashada 2020-21 oo dhawaan shir ugu soo dhamaaday Muqdisho ka soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa 18 qodob.

Afhayeenka midowga musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in shirkan labaad uu noqonayo mid lagu gorfeynayo marxalada doorashada dalka iyo wixii ka soo baxay kulamo gaar gaar ah oo ay musharixiinta la yeesheen qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.

''Shirkan labaad ee noo furmay waa mid aynu -dabalgal ku sameyneyo wixii ka qabsoomay qoddobadii aynu ka soo saarnay shirkii koowaad ee musharixiinta u soo dhamaaday, waxaana mar walba la hadalnaa madaxda dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe, sidoo kale waxaa iska warqabnaa beesha caalamka oo aan ka wadalnaa sidii ay dalkani uga dhici laheyd doorasho xor ah oo xalaal'' ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed 

Musharixiintan ayaa wali ka biyo diidan hannaanka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada oo ay ku tilmaameen in aysan aheyn mid dhaxdhaxaad ah oo lagu wada kalsoonaan karo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]