4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ciidamo Soomaaliyeed loo diray dagaalka ka socda waqooyiga Ethiopia
 

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in ciidamo Soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda waqooyiga dala Ethiopia ee u dhexeeya ciidamada qaranka Ethiopia iyo jabhadda TPLF ee Tigreega.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wax laga weydiiyay arrintan, ayaa been abuur ku tilmaamay wararka ku saabsan in ay dowladda Soomaaliya ciidamo u dirtay dagaalka Ethiopia.

“Wax caqligal ma ahan, anaga ayaa u baahan ciidamadeenna in ay ka howgallaan dalkooda oo amniga sugaan, ma jirto sabab nagu kalifi karta in aan ciidamadeeda u dirno Ethiopia,’ ayuu yiri wasiirku.

Dhinaca kale, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ka welwelsan yihiin saameynta Soomaaliya uga imaan karta colaada Ethiopia.

Dhawaan, warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegayay in ciidamo Soomaaliyeed oo tababar lagusoo siiyay dalka Eritrea, ay ka dhinac dagaalamayaan ciidamada Ethiopia ee dagaalka kul jira TPLF.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]