4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 9 , 2020
Puntland oo sheegtay inay burburisay saldhigii ugu weynaa ee maandooriyaha lagu kala wareejin jiray
 

Axad, Agoosto 9, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Sanyare ayaa sheegay inay Puntland la wareegtay saldhigii ugu weynaa ee lagu kala wareejin jiray maandooriyaha Qamriga ee lasoo galiyo gobolka Mudug.

Waxaa gudoomiyuhu sheegay in gacanta lagu dhigay 7 nin oo kamid ah burcaddii ka ganacsan jiray Qamriga, kadib howlgal ciidanka madaxtooyada ay saakay fuliyeen, kaasoo uu ku dhintay taliyihii ciidanka madaxtooyada Puntland iyo sarkaal kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa howlgalkaan amray in la fuliyo sida uu sheegay guddoomiyuhu, iyadoo ujeedada laga leeyahay in gobolka Mudug la xasiliyo lagana suuliyo dadka caadaystay maandooriyaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in si degdeg ah maxkamad ciidan lagusoo taago dhammaan dadkii lagusoo qabtay, si sharci loogu fuliyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]