4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 9 , 2020
Ciidamada Danab oo howl-gal dad lagusoo qabtay ka fuliyay Hobyo
 

Axad, Agoosto 9, 2020 (HOL) - Howl-gal ay ka fuliyeen deegaanno dhowr ah oo hoos yimaado degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxay sheegeen iney kusoo qabteen dhowr ruux oo ay sheegeen in ay uga shakisanyihiin ururka Al-shabaab.

Saraakiisha sar sare ee ciidamadaas qeybta Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa waxay tilmaameen in howl-galku uu ahaa mid xilli hore lasii qorsheeyay, si loo sugo nabad-gelyada deegaannadaasi. Sida mid kamid taliyayaasha ciidamada u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya.

Dadka ay soo qabteen ayaa waxay sheegeen in ay horkeeni doonaan cadaaladda kadib markii ay dhammaato baaritaan ay ku sameynayaan.

Ciidamada ka sameynaya dhaqadhaqaaqa militari degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxay kasoo tageen magaalada Gaalkacyo, waxayna saarkiishu sheegeen iney sii wada doonaan, howl-galkooda ka dhanka Al-shabaab.

Weli si rasmi ah uma aysan caddeyn tirada inta ruux oo ay soo qabteen iyo waxa ay kala yihiin intaba.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]