4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 9 , 2020
Fayrus cusub oo u faafa sida Coronavirus oo laga helay dalka Shiinaha
 

Axad, Agoosto 9, 2020 (HOL) - Sida laga soo xigtay wargayska ay dawladdu taageerto ee Global Times, 37 qof oo ku nool Gobolka Jiangsu ayaa laga helay cudurka Strombocytopenia Syndrome' (SFTS) SFTS waa cudur ay sababaan bunyafayruus.

Kanaalka wararka CNA ayaa sheegay in 23 qof uu ku dhacay cudurka gobolka Anhui. Shan ka mid ah bukaannadan ayaa dhintey, halka labo kale oo dheeraad ah oo laga helay fayraska laga diiwaan geliyey Gobolka Zhejiang.

CNA ayaa sheegtay in haweeney da’deedu tahay 60-jir oo ku sugan Gobolka Jiangsu laga helay fayraska kadib markii ay la kulantay qandho, qufac iyo daal.

Feyruskan cusub ee loo yaqaan 'Biyavirus' ayaa markii ugu horreysay oo la helay waxay ahayd 2009, iyadoo laga diiwaan galiyay gobollada Henan iyo Anhui.

Heerarka dhimashada ayaa u dhexeeya 1 iyo 5 boqolkiiba, iyadoo dadka da'da ah ay u badan tahay inay dhintaan. "Astaamaha hore waa daal iyo qandho, mararka qaar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]