4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 8 , 2020
Madaxweyne Farmaajo oo hakiyey go’aan ay Golaha Wasiirada ku fasixi lahayeen duulimaadyada Qaadka keena

 
Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Warar aan ka helnay illo xogogaal ah ayaa HOL u sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu mary in la joojiyo go’aan ay Golaha Wasiirada xukumadda Soomaaliya ay xayiraadda uga qaadi lahaayeen shixnadaha Qaadka keena.  

Warkan ayaa soo baxay kadib shir ay golaha Wasiirada ee xilka sii haya ay maalinimadii Khamiistii aynu soo dhaafnay ay ku yeesheen caasimadda Muqdisho, kuwaas oo sida ay noo xaqiijiyeen xubno kullankaasi ka qeyb  galay inaan la shaacin go’aanka, balse uun waxyar kadib uu laalay Madaxweyne Farmaajo soo jeedinta Gollaha Wasiirada.  

Xogta ayaa sheegaysa in Madaxweyne Farmaajo uu ka gaws adeygay in xilligan la furo shixnadaha Qaadka keena Soomaaliya, midaas badalkeedana uu faray laamaha Dowladda inay inay illaa iyo amar dambe ay hakiyaan duulimaadyada Qaadka.  

Wararka ayaa intaas ku daraya ineysan hore u dhicin in Shirka Golaha Wasiirada looga doodo arrimo aanu ka war heynin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana isweydiin mudan sida ay markiiba horeba ku suurtagashay in Golaha Wasiirada ay isku raacaan go’aan aan lagala tashanin madaxweynaha.  

Hakinta duulimaadyadda Qaadka keena Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay wali jiraan kiisaska xanuunka Corona Virus, iyo cabsida laga qabo inay kordhaan bukaanada u soo rito Covid-19.  

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isbucii la soo dhaafay ku dhawaaqay in bandowgii saarneyd Kenya lagu kordhiyey muddo bil ah, iyadoo talaabooyin horleh uu ku dhawaaqay oo lagu xakameyno faafitaanka Covid-19 ee dalkiisa.Dalka Qaadka ugu badan ayaa Soomaaliya uga yimaada wadanka Kenya, iyadoo qaadka ay u soo dhoofiyaan Kenyanka Soomaaliya ay uga soo xarooto Malaayiin Doolarka Mareykanka ah.

Hiiraan Online News Disk