4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 8 , 2020
In ka badan 10 qof oo ku dhintay roobab dabeylo wata oo ku dhuftay Jubbooyinka
 

Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya, ayaa waxay ka tacsiyeysay qoysaskii dhibaatadu kasoo gaartay dabeylo ku dhuftay xeebaha badweynta ee gobolada Jubbooyinka.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in dad ka badan 10 qof ay ku dhinteen roobab dabeylo wata oo ku dhuftay dhulka xeebaha ee gobolka Jubbada hoose.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda gargaarka iyo masiibooyinka, ayaa lagu sheegay, in dowladda Soomaliya ay  wado dadaallo ay ku caawineyso dadka ku nool deegaannada xeebaha.

Wasaaradda gargaarka waxay ka codsatay bulshada iyo maamulada maxalliga ah inay feejignaadaan maalmahan adag ee soo socda, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu kasii darto meelaha qaarkood.

Maalmo ka hor wasaaraddu waxay soo saartay digniin ku saabsan in laga billaabo 7da bisha August illaa 12 August ay gobolada koonfureed kusoo wajahan yihiin roobab dabeylo wata oo horseedi kara fatahaado iyo daadad.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]