4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 8 , 2020
Maraykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Soomaaliya iyo Kenya
 

Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya, iyadoo sheegtay inay kordheen dambiyada abaabulan ee argagixisannimada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka.

Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay in Xarumaha Caafimaadka Ka Hortagga Cudurrada (CDC) ay ka deyiyeen xaaladda caafimaadka oo ay sabab u tahay markii Kenya qaaday xayiraadii lagu xakameynayay faafitaanka Covid19.

Muwaadiniinteeda Maraykanka waxaa si gaar ah looga digay inay u safraan Xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha cabsida la xiriirta argagixisada awgeed.

“Sababo la xiriira argagixisannimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]