4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah gaarsiisay Lubnaan
 

Arbaco, Agoosto 5, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dhambaal tacsi ah gaarsiisay dowladda shacabka Jamhuuriyadda Lubnaan,  kadib qaraxyadii xoogganaa ee gilgilay magaalada Caasimadda ah ee Beirut.

Sii-hayaha xilka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu khadka teelafanka kula hadlay ra'iisul wasaaraha Lubnaan Hasaan Diab, isagoo la wadaagay sida Soomaaliya ay uga tiiraanyeeysantahay dhibka gaaray qarankaas.

"Waxaan teelafanka kula hadlay ra'iisul wasaaraha Lubnaan Hasaan B. Diab waxaan u gudbiyay in Soomaaliya ay ka xuntahay dhibaatada gaartay shacabka walaalaheen ah, waxaan gaarsiiyay inaan duco iyo taageero la garab taagannahay" ayuu Mahdi Maxamed Guuleed ku yiri qoraal uusoo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Dhimashada ayaa ku dhow 80 ruux,  halka dhaawacana uu dhaafay 4,000 oo qof Waddanka Lubnaan oo xalay fiidkii ay qaraxyo xooggan ka dhaceen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]