4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2020
Daacish oo siidaysay sawirro dagaalamayaasheeda oo ku ciiddaya gobolka Bari ee Puntland


Arbaco, Agoosto 5, 2020 (HOL) - Kooxda ISIS ayaa siidaysay sawirro ay ku muujinayaan iyagoo u dabaal dagaya ciidul Adxaa meelo katirsan dhulka Buuralayda ah ee gobolka Bari ee Puntland.

Sawirradan ayaa qeyb ka ah kuwo taxane oo ISIS ay faafiyeen maalmihii Ciidda lagu jiray, iyagoo kusoo bandhigayay wadamada ay weli ku sugan yihiin dagaalamayaashooda.

Barta Twitterka ayaa lasoo dhigay xubno kamid ah Daacish oo ay ka dhexmuuqdaan tiro Ajaanib ah, iyagoo ku axadaysanaya dhul qarar ah oo ay kaga gambadaan beegsiga duqeymaha Maraykanka iyo ciidamada dowlad goboleedka Puntland.

Ismuujintooda ayaa kusoo beegantay maalmo kadib markii Maraykanku duqayn ku dilay xubno katirsan kooxda oo uu ku jiray sarkaal ajnebi ah oo lagu magacaabo Abu Osama AlMuhajir.

Daacish ayaa bayaan ay soo saartay ku qiratay geerida sarkaalkan oo horey ugasoo goostay kooxda Alshabaab una qaabilsanaa warbaahinta iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]