4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2020
AFRICOM oo beenisay eedayn ku saabsan saddex carruur ah oo lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib
 

Arbaco, Agoosto 5, 2020 (HOL) - Taliska AFRICOM ayaa beeniyay warbixinada sheegaya in seddex carruur ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo koonfurta Soomaaliya lagula beegsaday xubno katirsan al-Shabaab, Arbacadii lasoo dhaafay.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa warisay in Mareykanku duqeyn xagga cirka ah oo uu ka fuliyay meel u dhaw magaalada Jilib ee gobolka jubbada dhexe, 29kii July lagu dilay seddex caruur ah oo ku ciyaarayay meel u dhow xarun lagu bartilmaameedsaday weerarka.

Saddexda carruurta ah oo sawirrada maydadkooda kasoo muuqday baraha internetka, ayaa lagu kala magacaabaa, Abuukar Ahmad Mohamad oo 8-jir ah, Cabdisamad Hussein oo 12-jir ah iyo Cabdulaahi Mohamad, 13 jir.

Taliska Maraykanka waxa uu sheegay inuu soo gabagabeeyay qiimaynta weerarka, isagoo sheegay inuu dilay 1 xubin oo katirsan Alshabab laguna dhaawacay mid kale duqaynta dhacday 29-kii July.

Weerarka Jilib, ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa duqeynti 43-aad ee Mareykanka uu ka geysto Soomaaliya sannadkan, wuxuu yimid maalin un kadib markii AFRICOM ay siidaysay warbixinteedii saddex-biloodlaha ahayd ee ku saabsan dhibaatooyinka shacabka kasoo gaara duqeymaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]