4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2020
Madaxweyne Laftagareen & hay’ado samafal oo ka hadlay fatahaadaha Shabeellada hoose
 

Talaado, Agoosto 4, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ ayaa waxa uu kula kulmay magaalada Muqdisho mas’uuliyiinta hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga iyo sidoo kale madaxda hay’adda Diyanet.

Madaxda hay’adahaan iyo maamulka Koonfur galbeed ayaa waxay ka hadleen dhibaatooyinka dhinaca fatahaadaha la xiriira ee ka jira deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa hay’adaha la sheegay inuu usoo bandhigay dhibaatada ka jirta Gobolka, gaar ahaan barakaca iyo beeraha uu gooyeen daadadka uu soo rogay webiga Shabeelle.

Kulanka ayaa lagusoo qaaday xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalooyin ay kamid tahay degmada Afgooye oo ku dhowaad lix kun oo qoys ay ka barakaceen, sida lagu caddeeyay dhibaatada fatahaadda gaysatay.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa uu kamid yahay meelaha sida adag ay u saameeyeen isbedalka cimilada , waxaana dhowr jeer ku dhuftay fatahaado iyo baraaro soo noq noqday, kuwaas oo saameyn adag ku yeeshay dadka deegaanka.

Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Laftagareen ayaa hadda ku dadaalaya sidii loo garab istaagi lahaa qoysaska nugul oo ay saameeyeen fatahaadaha .

Abdiaziz Ahmed Barrow. Hiiraan Online
[email protected]