4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2020
Diyaarad Qaad siday oo laga celiyay inay ka degto Puntland
 

Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Dayuurad siday 11 tan oo Qaad ah oo Kenya ka timid kuna wajahnayd Puntland ayaa maanta dib looga celiyay kadib markii lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xayiraadaha Covid-19.

Waa diyaaradii labaad oo Qaad siday oo dowladda Soomaaliya ay ka celiso hawadeeda muddo todobaadyo gudaheed.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa ka horyimid tallaabadaas, isagoo sheegay in diyaaradda xamuulku ay raacday dhammaan qawaaniinta looga baahnaa.

Soomaaliya ayaa hakisay ganacsigii Miraa bishii Maarso taas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19.

Arrintaan ayaa kusoo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay fasaxday duulimaadyada caalamiga ah.

Balse diyaaradaha xamuulka oo ay kamid yihiin kuwa Qaadka keena Soomaaliya weli lama fisixin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]