4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2020
Wasiir Islow “Ma jiraan wax muddo kororsi ah oo la aqbali karo”
 

Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Sii hayaha wasiirka wasaaradda ammaanka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo maanta ka qeyb-galay shir mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ay ku leedahay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda siyaasadda dalka iyo doorashooyinka la filayo in dhammaadka sanadkaan iyo bilowga kan soo socda ay waddanka ka dhacaan.

Wasiir Islow ayaa waxa uu sheegay in hoggaanka uu yahay qori isku dhiib, isagoo madaxda dowladda gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu doorashada ku qabto waqtigeeda.

“Madaxweyne Shiikh Shariif waxa uu doorashada ku qabtay waqtigeeda, Madaxweyne Xasan Shiikhna sidoo kale, waxaa lagama maarmaan ah in madaxweyne Farmaajo uu tubtaas raaco” ayuu yiri wasiir Maxamed Abuukar Islow.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in aaney marnaba suura-gal aheyn in wax muddo korosi ah la sameeyo.

Wasiir Islow ayaa hadda si kumeel gaar ah u haya wasaaradda ammaanka, waxa uuna kamid yahay xildhibaannadii kasoo horjeestay mooshinkii xilka looga qaaday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]