4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 3 , 2020
Weriye Abuuja oo maanta la horgeeyay maxkamadda ciidamada
 

Isniin, Agoosto 3, 2020 (HOL) - Waxaa maanta maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dhageysatay kiiska dacwada ka dhanka ah weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur ‘Abuuja’ oo muddo dhowr bil ah ku xirnaa Muqdisho.

Goobta Maxkamadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno kooban oo kamid ah Ururrada saxaafadda , gaar ahaan daladda ay ku midoobeen warbaahinta qaar ee SOMA iyo Ururka SJS, sidoo kale waxaa joogay xubno kamid ah qoyska weriyaha iyo qareennadii difaacayay.

Waxaa la dhageystay kiiska ay xeer ilaalinta iyo baarayaasha ay maxkamadda militariga u gudbiyeen iyo abuukaatayaasha difaacayay suxufiga.

Maxkamadda oo dhageysiga kiiska oo waqti dheer siisay, kadib waxaa weriye Abuuja la weydiiyay sida uu u arko go’aanka uu ka filan karo Maxkamadda, isagoo codsaday inuu helo cadaalad.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa intaasi kadib soo xeray dhageysigii kiiska, waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay go’aan kasoo saari doonaan.

Weriye Abuuja ayaa ah tafaftiraha Idaacadda Hiigsi ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhowaad shan bilood uu ku jiraa xabsi ku yaalla Muqdisho, isagoo maanta markii ugu horreysay maanta la horkeeno cadaaladda maxkamadda ciidamada.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]