
Talaado, Agoosto 25, 2020 (HOL) - Turkiga ayaa Soomaaliya gaarsiiyay 12 gawaadhi kuwaas oo qeyb ka ah heshiisyo militari iyo iskaashi dhaqaale oo laba geesood ah, Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay.
newsinsideBayaan ay soo saartay, ayay ku sheegtay in gawaaridan, loogu tala galay in lagu isticmaalo dhul aad u qalafsan, looguna tala galay guutada 3-aad ee ciidamada Gorgor ee dowladda Soomaaliya.
Gaadiidkaan waxaa loo gacan galiyay taliyaha ciidanka difaaca Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 22ka Agoosto.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Labada dal oo xidhiidh wanaagsan leh, kuna howlan iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan ah.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]