Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo gaaray Degmada Feer-feer
Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Wafdi ballaaran uu hoggaaminaayo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta gaaray degmada Feer-feer ee gobolka Hiiraan.
Wafdiga oo ay qeyb ka ahayeen xubno ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada Baladweyne ayaa si heer sarre ah loogu soo dhaweyay duleedka degmada Feer-feer.
Socdaalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo wafdigiisa ee degmada Feer-feer ku tageen ayaa la xariirta dhagax dhiga Saldhig Boolis iyo mashariic kale oo laga hirgalinaayo degmadaasi sida Warbaahinta u xaqiijiyeen sarakiil ka tirsan xafiiska guddoomiye Cali Jeyte.
Bishii lasoo dhaafay ee Luulyo ayay aheyd markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu magacaabay guddomiyaha degmada Feer-feer iyo xubnaha kale ee maamulka degmadaasi.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com