4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2020
Hay’adda socdaalka oo war kasoo saartay duullimaadyada caalmiga ah ee berri furmaya
 

Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duullimaadyada caalamiga ah ee berri oo ah  03,da-August, 2020 furmi doonan iyadoo la tix-raacayo go’aankii ay ku oggolaadeen Golaha wasiirrada.

Warka kasoo baxay hay’adda socdaalka ayaa lagu sheegay in keliya loo oggolaan doono soo galista Soomaaliya dadka sita warqadaha cadeynaya in aysan qabin xanuunka Covid-19 oo ay soo qaateen 72 saac gudaheed, marka ay dalka soo galayaan.

Sidoo kale shirkladaha gaadiidka sida diyaaradaha, maarkiibta iyo gawaarida kasoo tallaabeysa xuduudda ayaa la faray iney hubiyaan macaamiishooda iney ku dhaqmayaan siyaasadda xakameynta Covid-19 ee Soomaaliya.

Berri oo Isniin ah, Soomaaliya waxaa dib u billaabmi doona duullimaadyadii caalamiga ahaa ee la joojiyay bishii Maarso ee sanadkan, si looga hortago khatarta xanuunka Coronavirus oo caalamka kusii fidiyay.


Abdiaziz Ahmed Barrow,Hiiraan Online
[email protected]