4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 12, 2020
Duqa Beledweyne oo daah furtay cayaarihii kubadda cagta


Arbaco, Agoosto 12, 2020 (HOL) - Waxaa magaalada Beledweyne lagu daah furay tartan kubadeed oo ay ka qeyb qaadanayaan illaa iyo 8 koox, oo ah kuwa heerka koowaad.

Ururka kubadda cagta degmada oo kaashanaya kan Gobolka Hiiraan ayaa waxay qabteen munaasabad heer sare ah oo lagu daah furayay cayaaraha oo ka dhici doona garoonka kubadda Cagta ee Laqanyo oo ku yaalla Beledweyne.

Nadar Tabaax Maalin iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow oo horay uga mid ahaa bahda cayaaraha ayaa ku sugnaa goobta daah-furka . Waxayna qalab ah kubado iyo agab dhinaca cayaaraha ah ay ku wareejiyeen bahada cayaaraha Gobolka iyo degmada.

Guddoomiyaha Ururka cayaaraha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Raaxooy “Cali Shaal’ ayaa la wareegay qalabkaas, isagoo gacanta u geliyay Guddoomiyaha Ururka degmada Beledweyne Cabdicasiis Axmed Caddow “Jaaburi”.

Nadar Tabaax Maalin ayaa  ka hor inta aan loo magacaabin duqa degmada Beledweyne, waxay kamid aheyd siyaasiyiinta aadka ugu dhow dhalinyarada iyo ciyaartooyda Gobolka Hiiraan.

Waxaana la filayaa in mar kale magaaladaas uu dib uga bilowdo cayaarihii dhinaca kubadda ee aadka loogu yaqaannay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]