4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 12, 2020
Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Bacaadweyn
 

Arbaco, Agoosto 12, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 9 ruux oo ah dadka deegaanka iyo 5 kamid ah dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay deegaanka Shabeellow oo 20KM jiha bari ka baxsan magaalada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalka uu dhacay kadib markii Al-shabaab ay soo weerareen deegaankaas, kadibna ay la dagaallameen dadka halkaas ku nool, sida Hiiraan Online ay u sheegeen qaar kamid ah bulshada ku nool tuuladaas.

Baraha wararka ee Internet-ka ee taageersan Al-shabaab ayaa waxaa lagu baahiyay in dagaalka Shabeellow ee Mudug uu u dhexeeyay ciidamada Dowladda iyo dagaallamayaal Al-shabaab ah, waxayna intaa ku dareen wararka barahaas lagu qoray in lagu dilay 13 kamid ah dhinacyadii kasoo horjeeday.

Dagaalka ka dhacay duleedka Bacaadweyn ayaa waxa uu imaanayaa, xilli horay Alshabaab weerar ismiidaamin ah ay ugu qaadeen xero ay deganaayeen Ciidamadad Soomaaliya oo kutaalla duleedka magaaladaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online