4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 12, 2020
Sii hayaha raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay guddiga loo magacaabay baarista dhacdadii xabsiga dhexe
 

Arbaco, Agoosto 12, 2020 (HOL) - Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay guddiga loo magacaabay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalin kahor ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxa oo looga hadlay sameynta baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii Xabsiga dhexe, si loo helo warbixin dhammeystiran oo go’aan lagu qaadan karo, ayaa lagu magacaabay guddi Farsamo oo guddigaan  kala shaqeeya fududeynta baarintaanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa guddiga kula dardaarmay inay baaritaanka kusoo gebagebeeyaan 10-ka maalin ee loo qorsheeyay lagu soo saaro natiijada baaritaanka.

Horey uma dhicin in muddo intaas le'eg dowladdu u qabato in lagu helo natiijo baaritaanka lagu sameeyay sababtii keentay in uu hub gacanta u galo maxaabiista xabsiga dhexe.

Inta badan baaritaanadda dowladdu sameyso shacabka loomasoo gudbiyo natiijada saxda ah ama dhinaca kale aad ayay u daahdaa oo shacabka inta badan way hilmaamaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]