4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 11, 2020
Dowladda Soomaaliya oo baareysa sababta keentay weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe
 

Talaado, Agoosto 11, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jireen dad maxaabiis ah, weerar shalay gelinkii dembe ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kadib markii rag maxaabiis ah ay hub si fudud u heleen, waxaana dadka dhintay kamid ahaa askar ka tirsan ilaalada xabsiga.

Sii hayaha wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay iney socdaan baaritaanno ku aaddan sida maxaabiista dagaalka gashay ay hubka ku heleen, isagoo intaa raaciyay in aad looga shaqeyn doono ammaanka maxaabiista.

Maxaabiista xabsiga ka dhex dagaallantay oo ugu dembeyn la toogtay qaar kamid ah ayaa ahaa xukunsanayaal loo haaysatay dembiyo kala duwan.

Sida ay qortay Idaacadda VOA-da  mid kamid ah maxaabiista ayaa baxsaday isagoo meel xabsiga bannaanka ka ahna ku dilay dad rayid ah, waxaana kamid ahaa dadka uu toogtay qof ku shaqeynayay Bajaaj.

Taliyaha Ciidamada asluubta Soomaaliya korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo isagana la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in maxaabiista qaar ay hubka ka qaateen laba kamid ah askarta ilaalada xabsiga, kadibna ay sidaas ku dagaallameen.

Dad fara badan ayaase illaa iyo xalay isweydiinayay marka laga yimaado hadalka taliyaha haddana waxa ay ahaayeen qaraxyo u’eg banbaanooyin oo laga maqlay gudaha xabsiga oo ku yaalla degmada Xamar Jajab .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]