4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 10, 2020
Madaxweynaha Puntland oo si degdeg ah ku magacaabay taliyaha ciiddanka madaxtooyada
 

Isniin, Agoosto 10, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabay taliyaha ciiddanka madaxtooyada Puntland, maalin kadib markii Gaalkacyo lagu dilay taliyihii xilkaas hayay oo ku geeriyooday howlgal lagula dagaalamayay koox maandooriyaha ka ganacsada.

Madaxweyne Deni ayaa xilkaan u magacaabay Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jamac Dirir oo horey u ahaa taliyihii qeybta booliiska gobolka Nugaal.

Waxaa sidoo kale la magacaabay taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal, waxaana xilkaas loo magacaabay  G/sare Maxamed Aadan Jaamac.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in isbedel degdeg ah lagu sameeyo xoojinta amniga, saraakiisha la magacaabayna ay hormuud u noqdaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]