4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 10, 2020
Puntland: Arday Gabdho u badan oo sanadkaan kaalimaha sare ka galay imtixaanka shahaadiga
 

Isniin, Agoosto 10, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020, waxaana markii ugu horeysay kaalinta koowaad ka galay gabadh.

Maryan Cabdikariin Axmed ayaa kaalinta koowaad u gashay tobankii arday ee ugu sareeyay natiijada imtixaankii la qaaday bishii june dhamaadkeedii.

Waxaa kaloo xusid mudan in 6 kamid ah tobankaas arday ay yihiin gabdho, waana markii ugu horeysay oo tiro intaas le’eg oo gabdho ah ay kasoo muuqdaan kaalimaha ugu sareeya ee imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdullaahi Axmed Xasan, ayaa bogaadiyay ardayda natiijada sare ka gaartay imtixaana, balse ma sheegin wax qorshe oo ay ugu talo galeen haddii ay ahaan lahayd in ay helidoonaan deeq waxbarasho.

Ardayda qalin jabisay ayaa caqabad ka wajihi kara dhinaca shahaadada federalka, maadaama wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay sheegtay in aysan ardayda Puntland helidoonin wax shahaado ah.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]