4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 10, 2020
Amar la dul dhigay Golaha wasiirrada Dowlad Goboleedka Jubaland
 

Isniin, Agoosto 10, 2020 (HOL) - War kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha maamulka Jubaland ayaa waxaa Golaha wasiirrada ee dowlad Goboleedkaas lagu amray in wasaarad kasta oo heshiis la galeysa cid kale, in nuqul kamid ah warqadaha la saxiixday la keeno xafiiskaas, si loo hubiyo inuu yahay mid sharci ah.

Xeer ilaaliyaha Jubaland ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid sharci ah oo waafaqsan qodobka 64-aad ee dastuurka Jubaland.

Xeer ilaaliye Maxamed Shiikh Cismaan waxa uu intaa ku daray,  in laga rabo Golaha wasiirrada in ay amarkaan dhaqan-geliyaan si loo xaqiijiyo ilaalinta hantida dadka iyo dowladda.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay shir jaraa'id uu warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo.

Arrintaan ayaa dad badan waxay ku fasireen mid si gaar ah u saameyn doonta shaqada qaar kamid ah wasiirrada maamulkaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]