4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 10, 2020
Burcad hubaysan oo dhac ugeystay mid kamid ah xawaaladdaha kuyaala Garowe
 

Isniin, Agoosto 10, 2020 (HOL) - Puntland waxaa ka bilowday burcad hubaysan oo dhac ugeysanaya xawaaladaha kuyaala magaalada Garowe ee caasimadda Puntand.

Maalin ka hor, koox burcad hubaysan ayaa dhacay xawaaladda Iftin qeybeeda Garowe, iyagoo ka qaatay lacag lagu qiysaay ku dhawaad shan kun oo dollar, sida uu Hiiraan Online u sheegay masuul maamulka katirsan.

Waa markii labaad oo burcad dhac ugeystaan xawaaladaha kuyaala Puntland, dhowr billood kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale maleyshiyo hubaysan ay dhac ugeysteen shirkadda Somtel qeybteeda Garowe.

Weli maamulka Puntland ma qaadin tallaabo wax looga qabanayo burcadda boobka ugeystay shirkaddaha xawaaladaha.

Arrintaan waxay keentay in shirkaddo isgaarsiineed iyo kuwo xawaaladdeed oo habeenkii shaqayn jiray albaabada loo laabo kadib markii ay soo wajahday cabsi ku aadan in dhac loo geystay.

Abdisalan Nur Dirie , Hiiraan Online