4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2020
Madaxweyne Laftagareen oo xubno kamid ah Golahiisa wasiirrada is-bedal ku sameeyay
 

Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” ayaa waxa uu maanta xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah xubnaha Golaha wasiirradiisa, isagoo kuwa kalana magacaabay.

Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa loo magacaabay Marmo. Fahiima Cumar Cismaan. Halka sidoo kale wasiirka wasaaradda Boostada iyo Is-gaarsiinta loo magacaabay Aways Cusmaan Xasan , waxaa sidoo kale xilka wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta loo magacaabay Salaax Sayid Shariif.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa goor hore xilkii ka qaaday wasiirkii wasaaradda warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

Lama oga waxyaabaha uu salka ku hayo is-bedalka lagu sameeyay qaar kamid ah xubnaha Golaha wasiirrada ee Dowlad Goboleedkaas.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]