4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2020
Tanzania oo dalkeeda ka mamnuucday diyaaradda Kenya Airways
 

Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Hay’adda duulista rayidka ah ee waddanka Tanzania (TCAA), ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay dalkeeda uga mamnuucday duullimaadyadii diyaaradda Kenya Airways ay dib uga billaabi laheyd.

Go’aanka Tanzania ayaa sal u ah heshiiska faa’ido is-dhaafisaga duullimaadyada, waxaana qoraalka lagu sheegay in hakinta ay sii socon doonto illaa iyo inta ogeysiin kale oo lagu fasaxayo diyaaraddaasi la soo saari doono.

“Waxay dowladda idinku war-gelineysaa, iyadoo heshiiska faa’ido is-dhaafsiga duullimaadyada la eegayo, in Tanzania ay go’aansatay in la laalay dhammaan oggolaashiyahii duullimaadyada diyaaradda Kenya Airways ee ahaa Nairobi/Dar es salaam /Kilimanjaro/Zanzibar, ee billaaban lahaa 1-da, bisha August ee sanadkan, illaa iyo inta uu ammar dembe kasoo baxayo’ ayaa lagu yiri warka uu soo saaray maareeyaha hay’adda duullimaadyada waddankaas Hamza S.Johari.

Ammarkaan ka yimid Tanzania ayaa daba socda markii dhowr dal oo loo oggolaaday, in duullimaadyadoodii Kenya lasoo celiyay, waddamadaas kuma jirto Tanzania .

Billowgii Isbuucaan wasiirka gaadiidka Kenya James Macharia ayaa sheegay in keliya Kenya ay u fasaxday dalkeeda, duullimaadyada uga imaan kara dalalka Uganda, Rwanda, Namibia, Switzerland, Morocco, dalka Mareykanka gaar ahaa Gobollada “California, Florida, iyo Texas”,

Waxaana sharuudaha kale ee Kenya ay bixisay kamid ahaa in rakaabka diyaaradahaas ay la soo galaan dalkeeda warqadaha caddeynaya in aysan qabin xanuunka Covid-19, waxaana loo oggolaan doonaa in gelitaanka waddankaasi dadka heer kulka jirkooda uu ka hooseeyo 37.5 degree.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]