4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2020
Xisbiga Wadajir oo sharci darro ku tilmaamay tallaabada xukuumadii dhacday ku meel marisay guddiga garsoorka
 

Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Xisbiga wadajir ayaa sharci darro ku tilmaamay xubnaha golaha adeegga garsoorka Soomaaliya oo ay anixisyeen golaha wasiiradda ee xukuumadii raysal wasaare Kheyre ee uu barlamaanka riday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xibsiga Wadajir ayaa lagu sheegay in xukuumad barlamaanku uu riday aysan lahayn awood dastuuri ah oo ay wax ku meel marin karaan, tallaabadana ay tahay mid si ula kac ah loo sameeyay.

Shir aay yeesheen golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay xubnaha golaha adeegga garsoorka dalka.

Halkaan hoose ka akhriso bayaan kasoo baxay xisbiga Wadajir.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]