4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2020
Nabaddoonada Gaalkacyo oo diiday inay ka qeyb galaan kulan amniga ku saabsanaa oo madaxweyne Deni uu ku casuumay
 

Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ku eedeeyay nabaddoonada gobolka Mudug inay diideen inay ka qeyb qaataan kulan ku saabsanaa xoojinta amniga Gaalkacyo oo uu ku casuumay madaxweynaha Puntland.

“Maalin dhowayd waxaan maqlay in madaxweynuhu qabtay shir uu isugu yeeray nimankaan nabaddoonada ah, shirkii waa la tegi waayay. Waxaasi wax ku haboon ma ahan,” ayuu yidhi Cabdiweli Gaas.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo nabaddoonada lagu xaman jiray inay cabsi ay ka qabaan Alshabaab ugasoo muuqan jirin kulamada amniga looga hadlayo.

Tiro badan oo kamid ahaa nabaddoonada gobolka Mudug ayaa Gaalkacyo lagu dilay illaa sanadkii 2007, intooda badan waxay ahaayeen kuwii hormuudka u ahaa nabada waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online
[email protected]