4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2020
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo beesha caalamka u sharraxay xaaladda dalka iyo guulaha dowladnimo ee la gaaray
 

Khamiis, Abril 30, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu ka qeyb-galay wada-hadal xagga Internet-ka ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya,  gaar ahaan dib u kabashada hannaanka dowladnimo iyo dadaalka loogu jiro sidii mar kale Soomaaliya ay cagaheeda ugu istaagi laheyd.

Wada-hadalka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas'uuliyiin matalayay Midowga Afrika,  midowga Yurub,  Mareykanka, Ingiriis-ka,  IGAD, iyo Qaramada midoobe, waxayna ku amaaneen Soomaaliya ambaqaadka geeddi socodka dowladnimo ee taaba-galaya.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulankaan oo uu meeqaamkiisu  sarreeyay waxa uu beesha caalamka u sheegay in hoggaanka iyo shicibka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gaareen guulo waaweyn oo dhinaca dowladnimada ah.

Dhammaan kasoo qeyb-galayaashii kulanka ayaa midba geestiisa waxa uu ballan-qaaday iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdish