4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2020
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlay fatahaadda deegaannada Jubaland qaar uu ku sameeyay webiga Jubba
 

Khamiis, Abril 30, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu ka hadlay fatahaadda ka taagan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya,  waxa uuna ku baaqay in dadka halkaasi ku nool loo sameeyo garab-istaag.

Shiikh Sharif Shiikh Axmed oo sidoo kale ah hoggaamiyaha madasha axsaabta qaran ee mucaaradka ah ayaa hadalkiisa ku aaddan fataahadda ka taagan deegaannada ka tirsan Jubaland gaar ahaan degmada Baardheere,  jasiiradda Kudhaa iyo Madhawa waxa uu tilmaamay in loo istaago sidii loo caawin lahaa dadka ku barakacay.

Webiga Jubba oo ah kan ugu weyn ee mara Soomaaliya ayaa deegannadaasi ku fatahay.

Beesha caalamka,  dowladda dhexe iyo hay'adaha samafalka ayuu ka codsaday iney kaalin ka qaataan sidii loo samata-bixin lahaa dadka ka barakacay guryahooda , oo ay daadadka saameeyeen.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho