4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2020
Hirshabeelle oo awood u yeelaneeysa inaay baarto dadka qaba cudurka Covid19


Khamiis, Abril 30, 2020 (HOL) - Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa qalab caafimaad ku wareejisay wasaarada caafimaadka Hirshabeelle kaas oo isugu jira qalabka lagu baaro cudurka Covid19, daawooyin iyo agab kale oo caafimaad. Kaalmadan ayaa lagu xoojin doonaa cisbitaalada Hirshabeelle si wax looga qabto cudurka Covid19.

Lataliyaal kasocday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiir kuxigeenka caafimaadka Soomaaliya ayaa qalabka iyo doowooyinka ku wareejiyay wasaarada caafimaadka Hirshabeelle waxaana aay sidoo kale kormeereen goobaha loodiyaariyay in lagu karaantiilo dadka qaba cudurka Covid19.

Wasiika caafimaadka Hirshabeelle Cabdi Macalin ayaa lawareegay qalabka lagaarsiiyay, wuxuuna u mahadceliyay madaxda kasocotay xafiiska raisulwasaaraha iyo wasaarada caafimaadka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in qalabkaan uu waxbadan ka tari doono ogaanshaha cudurka Covid19 iyo daaweeyntiisa.

Wasiirka kuxigeenka caafiaamdka Soomalaiya Maxamed Saciid Cabdullahi ayaa sheegay in Hirshabeelle aay awood u yeelan doonto inaay baarto dadka looga shikiyo cudurka Covid19, waxaana sidoo kale uu sheegay in qalabkan uu isugu jiro baaritaanada Covid19 iyo agabka looga hortago.

Lataliyaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka siyaasada Cabdifitaax Cabdinuur oo kamid ahaa wafiga gaaray Jowhar si aay qalabka u gaarsiiyaan ayaa sheegay in Jowhar aay ka caawin doonaan sidii awood loosiin lahaa cisbitaalada si aay uga hortagaan Covid19.

“Jowhar waxaan u nimid inaan ka barano waxaa aay ka yaqaanaan Covid19 sidoo kalane inagu waxaan u soo gudbin doonaa waxii macluumaad iyo qibrad aan dheer nahay, waxaa sidoo aan booqan doonaa goobaha loogu talagalay lasocodka badqabka dadka hadii aay jirto hadeeysan jirin waxaan Hirshabeelle ku caawin doonaa inaan furno, waxaan xoojin doonaa goobaha lagu karaantiilo dadka qaba Covid19”. Sidaas waxaa yiri Cabdifitaax Cabdinuur.

Hirshabeelle ayaa kamid ahaa maamulada aanan awooda u lahaayn inaay baaraan Covid19 balse hada waxaa lagaarsiiyay qalabka lagu ogaado Fayriska Karoona. Hirshabeelle waxaay daris latahay gobolka Banaadir oo kiisaskiisu aay gaareen 500 qof, waxaana la’aaminsanyahay in aay jiri karaan xaalado badan oo laxariira Covid19.

Dowlada Soomaaliya ayaa maamulada dalka ku caawineeysa sidii looga hortagi lahaa Caronavirus oo kusii faafaya gudaha Soomaaliya. waxaana xafiiska RW Kheyre wafdiyo kala duwan uu udiray maamul goboleedyada si aay ugasoo warbixiyaan awooda caafimaad iyo caawinta aay u baahanyihiin.

Hiiraan Online, News Desk