4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2020
Wasaarada caafimaadka Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay faafitaanka Covid19
 

Arbaco, Abril 29, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaarada caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inaay soo kordheen xaalado cusub oo laxariira Covid19. Waxaana aay sheegtay in aay soo kordheen 54 qof.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegtay in xaaladaha soo kordhay aay dhamaan joogan gobolka Banaadir, waxaana aay intaas ku dartay in tirada guud ee laxanuunsan Caronavirus aay gaarayaan 582 qof.

Fowsiya Abiikar ayaa mar kale ku celisay inaay muhiim tahay in laqaato talooyinka caafimaadka si looga hortago cudurkan faafitaanka badan ee Covid19, waxaana aay shacabka ugu baaqday inaay ku dadaalaan ka fogaanshaha goobaha aay dadku ku badanyihiin iyo in lagu dadaalo nadaafada.

“Xaaladaha soo kordhay waxaay gaarayaan 54 qof, dhamaantood waxaay joogaan gobolka Banaadir, hadda tirade guud ee dadka qaba Covid19 waxaay gaareeysaa 582 qof. Dadkeena Soomaliyeed waxaan u jeedinayaa inaay qaataan talooyinka wasaarada caafimaadka si aan uga hortagno Caronavirus” Sidaas waxaa tiri Dr. Fowsiya Abiikar.

Dowladda ayaa sameysay qorshe guud oo lagu xakameynayo faafitaanka iyo saameynta kale ee COVID-19. Waxaa la hir-geliyay Isbitaallo lagula tacaalo bukaannada uu haleelo Feyruska Karoona, waxaana dalka soo gaaray qalab caafimaad oo dowladdu soo iibsatay.

Covid19 ayaa ku faafaya Soomaaliya, waxaana inta badan baaritaanada laga sameeyaa magaalooyinka Hargeysa, Garawe iyo Muqdisho, waxaana aad u adag in lala socdo xaaladaha dadka ku nool gobolada kale ee Soomaaliya. Ilaa hadane majirto qorshayaal wasaaradu u sameeysay dadka kunool gobolada Soomaaliya si looga badbaadiyo Covid19.

Hiiraan Online, News Desk