4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2020
Beesha caalamka oo soo dhoweysay heshiiskii Axmed Madoobe iyo golaha isbedeldoonka
 

Talaado, Abril 28, 2020 (HOL) - Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya  ayaa soo dhoweeyay wadahadalka u dhexeeya maamulka Jubaland iyo hoggaanka Golaha Isbadalka ee Jubaland kaasoo ku dhammaaday heshiis dib-u-heshiisiin ah oo la saxiixay 23 Abriil.

“Heshiisku wuxuu u taagan yahay tallaabo wax ku ool ah oo lagu xallinayo khilaafaadka ka soo ifbaxay hannaanka doorashada Jubaland ee Agoosto 2019, kaasoo kala qaybiyey bulshada iyo daneeyayaasha siyaasadeed,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Wada-hawlgalayaashu waxay ku dhiirrigelinayaan dhammaan daneeyayaasha Jubaland, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, bulshooyinka iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka inay dhisaan heshiiska 23 Abriil, ayna hirgeliyaan tallaabooyinka lagu dhaqan galinayo, ayna sii wadaan wadahadalkooda.

Wada-hawlgalayaasha ayaa soo dhaweynaya rabitaanka ay muujiyeen daneeyayaasha Jubaland ee ku aadan la shaqeynta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, iyo in Jubaland ay diyaar u tahay wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelato Dowladda Federaalka.

Saaxiibada caalamiga ah waxay ku boorinayaan maamulka Jubaland iyo hogaanka FGS inay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda iyada oo loo marayo wadahadal, iyo in la yareeyo xiisadaha ka sii socda gobolka Gedo.

“Wada-hawlgalayaasha waxay diyaar u yihiin inay siiyaan taageerada lagama maarmaanka u ah dowladda federalka FGS iyo dowladdaha xubinta ka ah maaddaama ay ku dadaalayaan dib-u-heshiisiin iyo iskaashi si loo hormariyo danaha qaranka. Sidaas darteed, wada-hawlgalayaasha ayaa sidoo kale soo dhoweynaya dadaallo kale oo dib-u-heshiisiin ah oo dhowaan dhacay, gaar ahaan Koonfur Galbeed iyo Galmudug, oo loogu talagalay in lagu sameeyo maamullo loo dhan yahay. Waxaan ku boorinaynaa in dadaalladan ay sii wadaan guud ahaan,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online