4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2020
Madaxweynaha Rwanda oo ku eedeeyay in ciidamada Burundi ay ka dagaallamayaan bariga Congo
 

Talaado, Abril 28, 2020 (HOL) - Madaxweynaha waddanka Rwanda Pual Kagame ayaa waxa uu ku eedeeyay dalka Burundi iney ciidamadiisa ka dagallamayaan bariga Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo, waxa uuna dhinaca kale diiday in askar kasoo jeedda dalkiisa ay ka dagaallamayaan gudaha gobolkaasi.

Tobbanaan kun oo kamid ah shacabka bariga gobolka Kivu ee Congo ayaa ka cararay guryahooda, kadib dagaallo ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay halkaasi.

Waddamada Rwanda iyo Burundi ayaa hay’ado maxalli ah iyo kuwa caalami ah waxey ku eedeeyeen iney ka barbar dagaallamaan maleeshiyaadka gobolka bariga Congo ku diriraya.

Shir jaraa’id oo uu qabtay madaxweyne Kagame isniintii shalay ayaa waxa uu weriyayaasha u sheegay in hay’adahaasi la socda Congo aysan si rasmi ah wax u ogaan .

"Haddii ay eegeen si rasmi ah wax aka dhacaya halkaasi, miyeey xitaa arki lahaayeen hal askari oo ka tirsan ciidamada Rwanada" ayuu yiri Madaxweyne Kagame.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in in xog sirdoon oo ay ka heleen ciidamada waddankiisa ay muujineyso in halkaas ay ka dagaallamayaan militariga waddanka Burundi

“Ma jiro askari ka tirsan ciidamada difaaca qaranka Rwanda oo dhulkaasi aaday, dowladda Congo xitaa wey ogtahay in ciidamadeenna aysan gelin waddankooda “ ayuu Kagame si carro leh u yiri xilligii uu ka hadlayay shirkaasi jaraa’id.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha waddanka Burundi oo lagu magacaabo Jean Claude Karerwa ayaa diiday eedeynta ka timid Pual Kagame, isagoo sheegay in ciidamada Burundi aaney dhaafin soohdinta dalkooda.

Isagoo la hadlayay BBC-da qeybta Afrika la hadasha ayaa waxa uu Afhayeenkaasi sheegay in ciidamadooda aaney geli Karin Congo illaa uu codsi uga yimaado Midowga Afrika iyo Qaramada midoobe.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho