4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2020
Madaxii xiriirka dibedda ee xiriirka kubadda Koleyga Soomaaliyeed oo geeriyooday
 

Talaado, Abril 28, 2020 (HOL) - Cayaaryahankii hore ee Kubadda Koleyga Soomaaliya, Baana Abdulle Ali ayaa isniintii xalay ku dhintay London, isagoo u geeriyooday COVID-19. Waa cayaaryahankii labaad ee Soomaaliyeed ee ugu dhinta cudurkaan isbitaal ku yaal London, UK wax ka yar bil.

Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida Baana oo loo yaqaanay halyeey qaran.

"Eng, Baana Ali wuxuu ku dhintey Boqortooyada Ingiriiska, Anaga oo ku hadlaya magaca wasaaradda iyo dowladda Soomaaliya, waxaan tacsi u direynaa dadka Soomaaliyeed geeridii halyeeyga qaranka, gaar ahaan, waxaan tacsi u direynaa qoyskii iyo asxaabtii, Wasiirka Isboortiga Soomaaliya, Khadija Diiriye ayaa sidaa ku soo qortay barteeda Facebook.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, Baana ayaa xanuunsanayay labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Ciyaartoygii hore ee kubbadda Koleyga oo ku jiray dabayaaqadii 40meeyada. Wuxuu ahaa madaxa xiriirka dibedda ee Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online