4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2020
Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi oo wax laga naxo ku tilmaamay inaan weli waxba laga qaban fatahaadaha
 

Talaado, Abril 28, 2020 (HOL) - Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo hadda ah hogaamiyaha xisbiga awooda shacabka ayaa wax laga naxo ku tilmaamay inaan weli waxba laga qaban fatahaadaha oo sanadkii lasoo dhaafay geeystay qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed.

Taabid Cabdi Maxamed oo qoraal kooban soo dhigay baraha uu ku leeyahay internetka ayaa sheegay in cabsi weyn aay kajirto biyaha webiga Shabeelle islamarkaana aay suuragal tahay inuu fatahaad sameeyo maadama aay weli da’ayaan roobabka.

Taabid Cabdi ayaa maamulka gobolka Hiiraan ku amaanay sida aay u wadaan dadaalada looga hortagaayo fatahaada webiga Shabeelle, wuxuuna dowlada federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay inaay ka qeeyb-qaataan dadaalada socda.

“October 2019 ayay aheyd markii fatahaadda webiga Shabeelle uu qasaaro ba’an gaarsiiyay dhowr magaallo, haba ugu sii darnaatee Beledweyne. Waa wax aad looga naxo in aanan waxba laga baran, waxnana laga qaban dhibtii dhacday, iyada oo balanqaadyo waa weyn la sameeyay billoooyin kahor. Alle wuu ina su’aalli doonaa ee markale yaanan ummadda musiibo lagu fiirsan, wiliba iyada oo bil Soon-qaad lagu jiro, dalkeenana uu cudurka coronavirus qatar weyn ku hayo”. Sidaas waxaa yiri Taabid Cabdi Maxamed.

Webiga Shabeelle ayaa 2019 waxaa uu fatahaad culuss ka geeystay magaalada Beledweyne, waxaana ku naf waayay dad kabadan 25 qof halka aay ku lumen ganacsi badan, waxaana sidoo kale barakacay dad kabadan 300 oo kun oo qof.

Fatahaada webiga Shabeelle ayaa noqotay mid sanadle ah, waxaana sababay bacaad badan oo gudaha u galay webiga taasoo muhiim ahaayd in laga saaro maadaama marwalba qararka aay jabsadaan biyaha webiga Shabeelle