4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2020
Ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay daadad kusoo rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari
 


Talaado, Abril 28, 2020 (HOL) - Ku dhawaad 10 qof oo u badan carruur ayaa ku geeriyooday daad kusoo rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari, kadib markii halkaas ay ka da’een roobab mahiigaan ah.

Warar kale oo aan si dhab ah loo hubin ayaa sheegaya in khasaaruhu intaas kasii badnaan karo, ayna jiraan dad nolol iyo geeri lagu la’ yahay oo ay biyuhu la tageen.

Waxaa socda gurmad xoogan oo ka imaanaya dhinaca maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Daadadka oo xalay magaalada kusoo rogmaday ayaa sidoo kale khasaare xoogan u geystay dhismayaal badan oo magaalada kuyaala oo ay ku jiraan suuqyo iyo hotelo, waxay sidoo kale la tageen gaadiid yaryar iyo kuwa xamuul ah.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhowayd u ambo baxay magaalada Qardho, iyagoo halkaas u tagay sidii loo xoojin lahaa gurmadka waxyeelada ka dhalatay daadadka kusoo rogmaday Qardho.

Maalmo kahor hay’addaha saadaasha hawada ayaa ka digay roobab culus oo kusoo wajahan gobolka Bari ee Soomaaliya waxayna kasii digeen khasaaraha ka dhalan kara daadad ka dhasha Roobka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online