4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2020
Somaliland oo gubtay Qaadkii ugu horeeyay oo ciidamadu gacanta ku dhigaan

Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) -Somaliland ayaa maanta gubtay 10kiilo garaam oo Qaad ah oo kasoo gudbay magaalada Wajaale ee kutaala xuduudaha Ethiopia.

Ciidanka amniga ayaa Qaadkaan ku qabtay isagoo lagusoo qariyay gaari Bajaaj ah, waxaana la xiray darawalkii iyo haweenay Qaadkaas iska lahayd oo ay laamaha amnigu sheegeen in maxkamad lasoo taagidoono.  

Waa tilaabadii ugu horeysay ee Qaad lagu gubay tan iyo markii dhawaan Somaliland si kumeel gaar ah u mamnuucday in maandooriyahaan lasoo galiyo degaanadeeda, maadaama uu qeyb ka yahay faafitaanka cudurka.

Saraakiisha amniga iyo guddiga kahor tagga Coronavirus ayaa digniin ujeediyay cid walba oo iskudayda inay Qaad soo galiso Somaliland.

                

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online