4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2020
3 qof oo maanta Muqdisho ugu geeriyootay COVID-19 iyo kiisas cusub oo laga helay meelo ay Puntland kamid tahay
 

Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) - Waxa goor dhow soo baxay warbixintii maalinlaha aheyd ee wasaaradda caafimaadka oo ku aadaneyd xaaladda dalka iyo xanuunka COVID-19. Warka ayaa waxaa lagu sheegay in maanta oo qura inta la xaqiijiyay Soomaaliya ay xanuunkan ugu dhinteen 3 ruux oo bukaan ahaa.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka in la helay kiisas gaaraya 44 xaalad oo cusub, waxaana 4 kamid ah kiisaskaas waxaa laga helay Maamulka Puntland, halka 40-ka kale laga helay Magaalada Muqdisho.

Wasaaraddu waxey sidoo kale sheegtay ruux kamid ah sagaal ruux oo xalay martini ku geeriyootay uu qabay xanuunka, halka mid kamid ah bukaannadaasna la xaqiijiyay inuusan u dhiman COVID-19, 7da kalana laga baaray cudurka hase yeeshee ay geeriyoodeen kahor intii aysan soo bixin natiijada baaritaankooda.

Dadka maanta laga helay ayaa waxa ay kala yihiin sida ku cad warbixinta wasaaradda 35 bukaan oo rag iyo 9 dumar ah. Waxaana looga baaqayaa bulshada iney sameeyaan taxadar xooggan, qaataanna talooyinka dhaqaatiirta ee dhinaca caafimaadka.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480. Guud ahaan 26 ayaa loo diiwaan geliyay inay u geeriyoodeen cudurka, waxaana ka bogsoosay 14 ruux.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho