4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2020
Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaallanka COVID-19
 

Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxey maanta wada-hadal toos ah oo khadka internet-ka ah la yeelatay madax ka tirsan dalka Mareykanka , iyadoo kala hadashay in Soomaaliya laga caawino dhinaca caafimaadka iyo la dagaallanka xanuunka COVID-19, oo tiradii ugu badneyd maanta ay ugu geeriyoodeen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiir Fowsiya ayaa mas’uuliyiinta ay la hadashay waxaa kamid ah safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya danhire Doland Yamamato iyo madaxa hay’adda dhinaca hor’umarinta u qaabilsan waddankaasi (USAID). Waxeyna dhinacyadaasi la wadaagtay kaalmada caafimaad oo ay Soomaaliya door bideyso.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta Mareykanka ee kulankaasi ka hadlay ayaa waxey sheegeen iney ka go’ntahay in Soomaaliya ay ka garab istaagaan la dagaallanka dulinka COVID-19, oo hadda si aad ah ugu faafaya waddanka, dad bandanna soo ritay.

Mareykanka waxa uu qudhiisa kula jiraa xanuunkaan sidii uu u xakameyn lahaa, iyadoo uu dalkaasi yahay kan ugu badan caalamka oo ay dad ugu geeriyoodeen bushiga Coronavirus, waxaana ku xiga waddamada Talyaaniga, Spain iyo Ingiriiska.

Soomaaliya oo taageero iyo garab ka heleyso beesha caalamka , waxaa hadda ka socda juhdi adag oo la doonaya in xanuunkaasi lagu xakameeyo.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho