4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2020
Ururka wacyigalinta bulshada gobolka Hiiraan oo cabasho ka muujiyay gudiga kahortaga fatahaadaha Beledweyne


Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) - Ururka wacyigalinta iyo hormarinta gobolka Hiiraan oo ah dhalinyaro is abaabulay islamarkaana ka qeyb-qaata ololaha wacyigalinta bulshada Beledweyne ayaa cabasho ka muujiyay gudiga ka hortaga fatahaadaha Beledweyne.

Dhalinyaradan oo lahadlay HOL ayaa sheegay in gudiga fatahaadaha aay siiyeen mashruuc looga hortagaayo daadadka webiga, hasa-ahaatee markii dambe aay gudigu aay diideen lacagihii aay ku heshiiyeen.

Ururka wacyigalinta ayaa sheegay in heshiiskan uu lagalay gudoomiye kuxigeenka gudiga kahortaga fatahaadaha sidoo kalane ah maareeyaha shirkada Hormuud ee gobolka Hiiraan Maxamed Nur Sabriye.

Cabdirashiid Faarax Cabdi oo ah gudoomiyaha ururka wacyigalinta bulshada ayaa sheegay inaay gudiga kahortaga fatahaadaha aay latiigsadeen maxkamada gobolka Hiiraan islamarkaana aay sugayaan natiijada.

“Bishii Febraayo waxaan fulinay mashruuc aan ciida uga saarnay laba waadi oo kala ah Waraaboole iyo Dhagaxjibis, waxaa shaqadaas noodiray gudiga kahortaga fatahaadaha webiga Shabeelle balse markii aan mudo wadnay, waxaay noo sheegeen inaaysan haaynin lacagtii mashruuca, waxaan  dacwad ka furanay maxkamada, waxaana sugeeynaa natiijada dacwada” ayuu yiri Cabdirashiid Dhagacade

Dhanka kale ururka ayaa cadaaladdaro ku tilmaamay in maamulka gobolku uu shaqsiyaad gaar ah ku wareejiyay shaqadii aay wadeen. “ Shaqadii aan biloownay 3 bil kahor oo aan waxbadan ka qabanay wuxuu maamulku ku wareejiyay shaqsiyaad gaar, taasina waa mid aan cadaalad ahaayn”. Ayuu yiri gudoomiyaha ururka wacyigalinta Bulshada.

Ururka wacyigalinta ayaa kamid ah ururada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya arimaha bulshada, wuxuuna wacyigalin ka sameeyaa arimaha nadaafada, kahortaga fatahaadaha iyo dib u dhiska wadooyinka xaafadaha.