4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2020
Muqdisho: 9 qof oo cusub oo u geeriyootay cudurka Coronavirus
 


Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay habeenkii xalay 9 bukaan ugu geeriyoodeen cudurka Coronavirus gudaha magaalada Muqdisho.

Wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay bukaanada geeriyooday inay u badan yihiin kuwa isbitaalka Martiini la geeyay iyagoo garaab ah oo lagasoo qaaday xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay.

Warbixinta wasaaradda waxaa lagu xusay in haddii dadkaas la keeni lahaa waqti muhiim ah isbitaalka Martiini in la badbaadin karay, balse ay tahay nasiib darro markii isbitaalada gaarka ah wax looga qaban waayay in loola soo cararo isbitaalka Martiini.

Wasaaraddu waxay uga digtay isbitaalada gaarka loo leeyahay inay xarumahooda ku hayaan dadka qaba cudurka Covid19, waxayna ku wargalisay haddii ay la kulmaan bukaan leh astaamaha cudurka in ay si degdeg ah ugusoo gudbiyaan hay’addaha caafimaadka dowladda.

Waa tiradii ugu badnayd ee 24 saac gudaheed ugu geeriyoota cudurka Coronavirus, waxaana tirada guud ee dhimashada cudurka ay maraysaa in ka badan 30 ruux.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online