4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2020
Wuhan: Bukaanadii cudurka Coronavirus oo laga saaray isbitaalada
 

Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) - Dhamaan bukaanka coronavirus ayaa laga soo saaray isbitaallada ku yaal magaalada Wuhan ee Shiinaha, halkaas oo fayraska markii ugu horreysay laga helay bishii Disembar ee la soo dhaafay, sidaana waxaa sheegay maamulka caafimaadka ee dalkaas.

Mi Feng, afhayeenka Komishanka Caafimaadka Qaranka, wuxuu sheegay in tirada bukaannada isbitaalada ku yaal magaalada ay hoos uga dhacday eber.

Si kastaba ha noqotee, wadar ahaan 11 kiis ayaa la ogaadey 24-kii saac ee la soo dhaafay.

In kabadan 4,600 oo qof ayaa u dhintey fayraska dalka China iyadoo kiisaska xaaladooda ay ka badan tahay 82,000 lasoo weriyay.

Magaalada Wuhan ayaa muddo ku dhow seddex bilood xirneyd si ay u xakameyso faafitaanka viruska.

Xayiraadaha ayaa la qaaday horaantii bishaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online