4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2020
Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka booliiska Puntland mid cusubna magacaabay
 

Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni, ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciiddanka booliiska Puntland sareeye gaas Muxiidiin Axmed Muuse iyo labo kamid ah  ku xigeenadiisa, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne Deni ayaa kadib taliyaha ciiddanka booliiska u magacaabay S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Puntland.

Saraakisha kale ee xilalkoodii waayay waxay kala yihiin,  Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Puntland iyo G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska.

Ujeedada isbedelkaan loo sameeyay, ayaa ah  In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa horey ugu dhaleeceeyay ciidamada booliiska inay wax ka qaban waayeen joojinta Qaadka oo maalin walba lasoo galiyo gudaha Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online