4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2020
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyaha barlamaanka oo laga gudbiyay mooshino kalsooni kala noqosho ah
 

Axad, Abril 26, 2020 (HOL) - Khilaaf siyaasadeed oo xoogan ayaa ka jira dowlad goboleedka Hirshabelle, khilaafkaas oo u dhexeeya madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha barlamaanka maamulkaas Sheikh Cismaan Barre Maxamed.

Guddoomiyaha barlamaanka Hirshabelle ayaa caawo soo bandhigay mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare, mooshinkaas oo ay soo diyaariyeen xildhibaanada barlamaanka Hirshabelle kamid ah.

Waxaa mooshinka ku qoran in madaxweyne Waare uu musuq maasuqay kuna tagri falay dhaqaalaha Hirshabelle ka hesho dowladda federalka Soomaaliya iyo mashaariicda horumarinta ee laga helo beesha caaalamka.

Waxaa kaloo ku xusan mooshinka in madaxweynuhu ku xadgudbay sharciga iyo wada shaqaynta laamaha kala duwan ee maamulku ka kooban yahay islamarkaana talada Hirshabeelle ay noqotay mid meelo kale laga maamulo.

Dhinaca kale, Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Hirshabelle Cabdi Xuseen ayaa isla caawa qabtay Mooshin kalsooni kala noqosho Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre.

Hirshabelle waxay xilligaan ku jirtaa marxalad kala guur ah, waxaana bisha Octobar ee soo socota ku beegan tahay in la qabto doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Waxaa kasoo horeeya soo xulistii xldhibaanada iyo doorashada hoggaanka barlamaanka maamulkaas.

Hirshabelle oo la aas aasay sanadkii 2016, waxaa soo maray labo madaxweyne. Weli maamulka si rasmiya uma cagdhigan. Wuxuuna ka bixi waayay khilaafaad joogto ah iyo madaxda xilka loo doorto oo Muqdisho iska farriista.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in dhibaatada ka taagan Hirshabeelle ay sababteeda leedahay, iyadoo markii hore maamulkaan lagu dhisay qaab uu ka muuqday degdeg.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online