4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday xubno kamid ah maamulka gobolka Banaadir
 

Axad, Abril 26, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka ka qaaday masuuliyiin kamid ah maamulka gobolka Banaadir, waxaana qoraalka xil kaqaadista shaaciyay madaxda war-faafinta madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday gudoomiye kuxigeenkii dhanka maaliyada maamulka gobolka Banaadir Ibraahin Cumar Mahad’alle, waxaana xilkaas loo magacaabay Axmed Xasan Iimaan.

Dhanka madaxweyne Farmaajo ayaa xilka ka qaaday gudoomiye kuxigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir Aadan Shiikh Cali Fiidoow, waxaana xilkaas loomagacaabay Cumar Cali Cabdi.

Ugu danbeyn madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,