4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2020
Shan ruux oo maanta Soomaaliya ugu geeriyooday Coronavirus iyo kiisas cusub oo soo kordhay
 

Axad, Abril 26, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka  Soomaaliya ayaa goor dhow sii daaysay warbixintii maalinlaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda dalka iyo xanuunka COVID-19.

Wasaaraddu waxay sheegtay in maanta oo qura Soomaaliya ay xaqiijisay 46 xaalad oo cusub, kuwaas oo kala ah 33 rag ah iyo 13 dumar  ah, kiisaskaan soo kordhaya waxay muujinayaan in dulinka Coronavirus uu aad Soomaaliya ugu fidayo.

Wararka sidoo kale maanta laga helay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay sheegayaan in xanuunka COVID-19 maanta oo keliya Soomaaliya ugu geeriyoodeen 5 ruux, halka wadarta guud ee guud ahaan dadka xanuunkan ugu dhintay Soomaaliya ay gaarayaan 23 ruux.

Wasaaraddu waxay sidoo kale baahisay wadarta guud ee dadka qaaday COVID-19, waxaana tiradooda lagu sheegay 436 ruux, lama soo sheegin dad maanta ka caafimaaday.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay dadaal adag ugu jirto, sidii xanuunkaan hoos loogu dhigi lahaa,  haddana waxaa muuqanaya marka loo eego warbixinnada Wasaaradda Caafimaadka in uu aad  hadda cudurkaan ugu faafayo dalka.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho